Hakad maanta ku yimid diyaaradii caalamiga ee iman jirey magalada muqdisho

0
108

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha caalamiga ah ee imaan jiray caasimada ay joojiyeen gebi ahaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tegi jireen garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaha waaweyn ee duulimaadyadooda joojiyay waxaa kamid ah Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo keeni lahaa rakaab, kuwa kalena qaadi lahaa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in sababta ay u baaqdeen diyaaradahan ay tahay, kadib digniintii kasoo baxday Mareykanka oo shaaciyay inay jirto halis wayn oo amniga, ayna suuragal tahay in garoonka iyo meelo kale la weerari karo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan hakadka ku yimid duulimaadyada caalamiga ee garoonka Aadan Cadde iyo cabsida laga qabo weerarada argagixiso oo ay ka digtay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here