Shacabka degmada beledweyne oo ka cabanaya amni daro baahsan oo halkaasi ka jirta

0
90

Dadka ku nool xaafadaha Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya dhibaatada dhaca ah ee sii baahaysa oo aysan muuqan cid dooneysa iney wax ka qabato, iyadoo magaalada gudaheeda ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan maamulada Hiiraan State iyo Hirshabeelle.

Amniga guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa noqday mudooyinkii dambe mid faraha ka baxay, kadib markii uu si weyn u kordhay dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne.

Dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay waxaa jiray in xaafadaha magaalada Baledweyne dhac baahsan loogu geysanaayay dadka wata talefanada gacanta lagu qaato iyo agabyada kale, waxaana dhacaasi geysanaayay rag ku hubeysan qoryaha Ak47 oo badankooda ku labisan dharka ciidanka dowladda.

Fiidnimadii Xalay waxaa iska hor imaad ka dhashay dhac taleefano oo u dhaxeeyay burcada dhaca geysata iyo ciidan deegaanka ah ku geeriyooday hooyo lagu magacaabo Leyla Xuseen oo ay haleeshay rasaasta u dhaxeysay labada dhinac, iyadoo ku sugan gurigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here