Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Bolisska oo Maanta Qarax lagula Beegsaday Degmada Xamar Jabab

0
52

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca gawaarida lagu dhejiyo ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan meel u dhow kaalin shidaal oo ku taalla inta u dhaxeysa dekadda Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Gaariga Nooca loo yaqaano sarufta ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa, kadib markii loogu dhejiyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Janeraal Maxamed Cabdulle Dhoore, kaasoo Booliska u qabilsan Arrimaha dibadda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaalka gaariga watay oo la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid culus.

Saraakiisha Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli dhankooda wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.