Alshabab oo xalay Weeraray Saldhig ay Ciidamada Dowlada Ku Layaaheen Degmada Garbahaareey

0
29

Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxasa dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal Saacad.

Dadka degmada Garbahaareey ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen.

Sarkaal u hadlay Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana weerarka uu ahaa mid ay ka warhayeen, kadib markii lala soo wadaagay weerarka kusoo wajahan.