Dhegeyso Boobka Ka Taagan Degmada Awdheegle ee ay Geysanayaan Qaar Ka Tirsan Ciidankii Halkaasi Tegay

2
39

Dadka ku nool degmada Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay kala kulmeen ciidamadii dowladda Soomaaliya ee dhawaan Al-Shabaab kala wareegay degmadaas.

Aweys Cabdiqaadir Aadan oo kamid ah dadka deegaanka oo haddase ku nool dalka Sacuudiga ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka gaar ahaan hal-xiddigle Saalax Cabdiraxmaan Maxamed Cali uu ka dhacay raashiin keyd ah oo uu lahaa, kaasoo sarkaalku uu ku sheegay in ay lahaayeen Al-Shabaab.

Dhageyso codka Aweys Cabdulkhadir Aadan

Aweys Cabdulqaadir ayaa isku deyey mar labaad in uu si toos ah qadka telfonka ugula xiriiso hal-xiddigle Saalax Cabdiraxmaan Maxamed Cali si uu uga hadlo arimahaas bal nala dhegeysta waxa qadka telfoonka ku kala dhex maray dhibanaha iyo xidiglaha.

Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee Aw-Dheegle Maxamed Yarow ayaa sheegay in raashiinkaasi ay lahaayeen Al-Shabaab, isagoo u sababeeyay in meesha laga helay waraaqaha canshuurta ee Alshabaab.

Dad badan ayay layaab ku noqotay hadalka sarkaalka maadaama la ogyahay in Al-Shabaab ay xitaa Muqdisho ka qaado canshuur ayna suuragal tahay in laga helo waraaqaha canshuurta Al-Shabaab iskabadaa deegaan hadda un lagala wareegay

Waxaa is weydiin mudan ciidanka dowladda ma waxey u taagan yihiin badbaadada shacabka mise dhibaateyntooda.

2 COMMENTS

  1. Buuwe iyo Warsame dhibkaan faraha badan oo aad kuhaysaan dIGLKA maad kadeysaan idinka ayaa sabab u ah in lakufsado haweenka digil oo dahabka laga furto in ladhco hantidooda waayo waxaad ilaalinooysaan saldanad aan jirin war jooga.

Comments are closed.