Wax ka Ogow Qofka Baddali Doona Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho

0
116

Tan iyo markii uu geeriyooday Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) waxaa isa soo tarayay magacyada dadka doonaya inay qabtaan xilka guddoomiyaha, waxaana codsiyadooda gudbistay ilaa toddobo qof oo laga soo reebay ilaa saddex qof oo kala ah Axmed Washington, Abuukaate Cumar Dhagey iyo Ustaad Faarax Cali Basar oo ah kan ugu dhow inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Warar hoose oo warbaahinta Daafeet Media ay ka heshay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Ustaad Faarax oo ah aqoon yahay, ku taqasusay waxbarashada, maamulka iyo maareynta, iyo amniga oo uu koorsooyin ka qaatay uu yahay qofka kaliya ee miiska saaran ee la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo.

Haddaba waa kuma Ustaad Faarax Cali Basar, masuulka la filayo inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho?.

Ustaad Faarax Cali Basar ayaa gacan ka geystay horumarinta waxbarashada gaar ahaan machadka SIMAD, qeybta imtixaanaadka, iyo Distance Learning Centre.

Wuxuu waxbarashada dugisaga sare uga baxay magaalada Muqdisho, gaar ahaan school-ka Macallin Jaamac, isagoo waxbarashada sare ka dhigtay dalka Pakistan. Wuxuuna master- ka ku diyaariyay maamulka iyo maareynta taasoo dad badan ay rumeysan yihiin inay ka caawin karto inuu si wanaagsan u maamulo gobolka Banaadir islamarkaana uu xal u helo arrimaha musuqa, amni darrida iyo kobaca dhaqaalaha.

Ustaad Faarax ayaa lasoo shaqeeyay hey’adaha gargaarka kuwa gudaha iyo kuwa caalamiga ah, isagoo la taliye sare kasoo noqday hay’adaha Qarammada Midoobay sida UNDP iyo UNESCO.

Dadka ku dhaqan gobolka Banaadir oo aqoon buuxda u leh Ustaad Faarax ayaa soo dhaweeyay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, iyagoo ku sifeeyay qof deggen oo daacad ah islamarkaana fahansan xaaladda uu dalka marayo, diyaarna u ah wax kaqabashada dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira gobolka ee ugu horreeya amniga.

Xogta ay heshay warbaahinta Daafeet ayaa sheegeysa in Ustaad Faarax oo caan ka ah gobolka Banaadir ay ku qanacsan yihiin siyaasiyiin isugu jiro wasiirro, xildhibaannada labada aqal, lataliyeyaal sare oo ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo raysul wasaaraha iyo ganacasatada, walow ugu dambeyn ay ku xirnaan doonto go’aanka uu qaato madaxweynaha dowladda federaalka ah mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo