Ciidamada Dowlada oo Afar Ruux Ku Toogtay Suuqa Bakaaraha

0
47

Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa degmada Howlwadaag gaar ahaa suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogtay afar ruux oo mid haween aheyd, kuwaasoo la sheegay in ay qorsheynayeen isku day dil lala beegsan rabay Mas’uul dowladeed.

Taliye kuxigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga Jen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in afartan ruux ay toogteen Ciidamada Amniga ay isugu jireen 3 rag iyo hal haweeney.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka weli si rasmi ah uma sii faah faahin falkan, hasse ahaatee waxaa ay sheegtay in ay Ciidamada Booliska degmada Howl-Wadaag ka hortageen falkaasi la doonayay in lagu dilo Agaasimaha.

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca magalada muqdisho ayaa inta badan ah kula lala bar tilmaameysto dadka u shaqeeya dowlada iyo weliba masuuliyiinta dowlada.