Duqeyn Maanta Ka Dhacay Deegaanada Mubaarag iyo Janaale

0
36

Duqeyntan ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka Marekanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in duqeynta ka dhacday saldhiga ay shabaab ku leeyihiin deegaanka mubaarak laguna dilay 21 Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kana tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada Marka, isla markaana lala eegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana lagu garsiiyay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaan weli hadlin hadalkan kasoo yeeray saraakiisha ciidamada qalabka.