Safiirka Somaliya u Fadhiya Dalka Qadar oo Ka Hadlay Xaalada Caafimaad ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow

0
57

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Amb. Taano oo wareysi siiyey Universal TV, ayaa sheegay in haatan ay soo hagaageyso xaaladda guddoomiyaha, islamarkaana ay ku filan tahay dowladda Qatar.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in lagu guuleystay in laga soo saaro saddex firir oo Caloosha ka galay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan dhaawacyada kale ay soo fiicnaaneyso, xaaladdooda caafimaad.

Dhanka kale Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu geeriyooday nin ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhaawacmay ee la geeyey dalka Qatar.

Dadka dhaawacyada ah ee la gaarsiiyey Qatar oo gaaraya 12 Qof ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla gudaha dalkaasi.