Wakiillka Qaramada MIdoobay u Qaabilsan Somaliya oo Maanta Gaaray Magalada Hargeysa

0
48

Wefdi uu hogaaminaayo wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arimaha somaliya mbassador James Swan ayaa maanta gaarat magalada hargeysa halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka somaliland Muuse Biixi..

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay mbassador James Swan, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay qaramada midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka midho dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee dalka ka socda iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in loo baahan yahay in doorashada wakhtigeedii la qabto.

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda la hadlay wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waxaana sheegeen inay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, mashaariicda horumarinta qaramada midoobay ku fuliso Somaliland.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha, waxaanu sheegay in markii ugu horeysay yimid Somaliland sanadkii 1995, laba jeer oo kale uu ku soo noqday Somaliland, taas oo uu xusay inay horumar badan ku talaabsatay.

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada midoobay caawiso.