Ciidamo Ka Tirsan Amisom oo Maanta Lagu Diley Wadada Isku Xirta Balcad Iyo Deegaanka Qalimow

0
71

Lix ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Al-shabaab ay ka geysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamadan la dilay oo gaar ahaa ka socda dowladda Burundi ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab fariisin ay ku lahaayeen waddada isku xirta degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarka sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ila saddex Askari kale oo ka tirsanaa howlgalka AMISOM, halka Labo kalana lagu la’yahay weerarka.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu halista badan oo ay weerarrada ka geystaan xoogagga ururka Al-shabaab.