Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Xildhibaanada Dibada Ku Maqan Ugu Baaqay Iney Soo Xaroodaan

0
39

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa loogu baaqay si dhaqso ah inay dalka ugu soo xaroodaan, xilli la mudeeyay waqtiga kama dambeysta ah ee laga doonayo inay Muqdisho ku soo laabtaan.

Baaqa ayaa yimid markii guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu go’aamiyay xilliga uu dib u furmayo fadhiyada Baarlamaanka, kaddib kullan galinkii dambe ee Sabtidii shalay uu guddigu sheegay.

Kulankan uu shir gudoominaayey gudoomiyahaha golaha shacabka ayaa looga dooday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalfadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka Alle uu saaray.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan.