Home » WARARKA » Yaa Ka Masuul Ah Burburka Iyo Siyaasad Xumida Reer Koonfur Galbeed?

Yaa Ka Masuul Ah Burburka Iyo Siyaasad Xumida Reer Koonfur Galbeed?

Lixdan sano kadib markii gumeystihii Talyaaniga uu awood siiyey, xukunkana ku wareejiyey dadkii reer guuraaga ahaa isagoo la dagaallamaya xadaaradda dadka Digil iyo Mirifle, waxaa halkaasi ka sameysmay koox yar oo u dhalatey Digil iyo Mirifle oo shaqaale u noqday kuwii xukunka lagu wareejiyey. Dad badan waxey isweydiinayaan halka laga heysto siyaasadda Digil iyo Mirifle oo ay u toosi la’dahay?

Dad badan oo Soomaali ah wexey aaminsan yihiin mushkilidda ay Soomaali u toosi la’dahay inay xuddun u tahay magalada Muqdisho, ayadoo beelo gaar ah is laheysiiyey magalada Muqdisho si ay mar walba awooddooda ugu ilaashadaan taasi mid la ah ayaa ka taagan magalada baydhabo oo noqotey hoyga laga hago siyaasada qaabka daran ee lagu dhaqo shacabka koonfur galbeed. Haddaba maxaey tahay sababta?

Siyaasiyiin u dhashay beelo ka mid ah beelaha dega gobolka Baay ayaa carqalad ku noqday horumarka shacabka Koonfur Galbeed laga soo billowno burburkii dowladdii dhexe markii uu aas-aasmay ururkii RRA, Sida aynu dhamaanteyn wada ogsoonahay RRA waxaa burburiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta u dhashay gobolka Bay oo dalaal u ahaa qabiillada kale ee rabay inay dhulka Koonfur Galbeed qabsadaan, Markaas kaddib waxaa abuurmay koox yar oo iska dhaadhiciyay in marnaba aysan gacantooda ka bixin siyaasadda mida maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo tan guud ee federal-ka.

Dhibaatooyinkan joogtada ah ee heysta shacabka Digil iyo Mirifle waxaa masuul ka ah siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Baay ayagoo lakala saftay beelaha Abgaal iyo Habargidi xilligii ay dagaallamayeen Caydiid iyo Cali Mahdi, taasoo markii dambe keentay in isku dhac uu ku yimaado maamulkii RRA taasoo billow u aheyd burburka awoodeed iyo mid siyaasadeed ee reer Koonfur Galbeed maadaama aanay jirin awood rasmi ah oo markaasi taagneyd oo lagu tixgeliyo haddiiba uu burburay RRA.

Haddaba tan iyo burburkii RRA ma jirin awood rasmi ah ama urur xooggan oo dhanka siyaasadda xaqooda ugu soo dhiciya dadka reer Koonfur Galbeed marka laga reebo kuwa kasoo jeeda Baay oo had iyo jeer gacanyare u ah qolooyin kale.

Kooxdan yar ee qowleysatada ah ayaa sabab u noqotay xaaladda aan wanaagsaneyn ee maanta ay ku sugan yihiin deegaannada Koonfur Galbeed sida Bakool iyo kuwa kale walow Shabeellaha hoose ay mar walba gacan saar la sameystaan qolooyinka xoogga ku haysta Koonfur Galbeed ee kasoo jeeda Baay taasoo jeeddada ka dambeysa ay tahay in gobollada Bakool iyo Shabaleha hoose aysan marnaba siyaasadda kula soo muuqan oo ayagana ay mar walba hormuud u noqdaan marka ay timaaddo aayaha Koonfur Galbeed.

Waxaan marqaati ka aheyn halka uu Shariif Xasan dhigay Reer Koonfur Galbeed isaga oo lagu tiriyo inuu ka tirsan yahay beelaha dega gobolka Baay oo masuul ka ah dhibkan hadda gobolada ka taagan. Shariif wuxuu meel uga dhacay awoodda qeybsigii beelaha Digil iyo Mirifle. wuxuu bixiyey 3 gobol oo ka tirsanayd maamulka koonfur galbeed, waana ninka gobolada Bakool iyo Shabelaha hdhigey halka ay maanta taagan yihiin.

Siyaasiyiintan kasoo jeeda gobolka Baay siyaasaddooda dhan wexey noqotay mid ay ugu shaqeeyaan beelaha kale ee Soomaaliyeed si ay masraxa siyaasadeed ugu sii jiraan waxaan ka warqabnaa qaabka siyaasiyiin badan oo kasoo reer Baay ay wax u sameeyeen sida Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Prof Maxamed Sheekh Jawaari, Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen, xildhibaano kuwa dhintey iyo kuwo nool, Wasiirkii hore ee maaliyada iyo qaar kaloo badan.

Hadaba waxaa hubaal ah haddeysan beelaha Digil iyo Mirife iska qaban dhowrkan siyaasi ee kasoo jeeda gobolka Baay in la weyn doono magaca koonfur galbeed iyo weliba kan Digil iyo Mirifle. Aqoonyahan iyo waxgaradka qaar ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa rumeysan in intan kabadan aanan laga aamusi Karin dhibaatada ay Koonfur Galbeed kawadaan dhowrkan shakhsi ee kasoo gobolka Baay sidaadarteedna loo baahan yahay in laga wada arrinsado hubinta awood qeybsiga, Cadaalada iyo dhaqaala wadaagga dhammaan qabiillada kasoo jeedaa Koonfur Galbeed somaliya si meesha looga saaro awoodda kooxdan yar ee reer Baay una xoroobaan dhamaan deegaanada koonfur galbeed kuwa maqan iyo kuwa kalaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*