Reysulwasaaraha Dalka Itoobiya oo Gaaray Magaalada Khartoum Si uu U Dhexdhexaadiiso Kooxaha Isku Heysta Siyasada Dalka Suudan

0
43

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dalkaas xukuma iyo hogaamiyayaasha dibad-baxayaasha.

Abiy ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum wuxuuna kulamo la leeyahay Jeneraalada xukunka haya.

Ra’iisul wasaraaha Itoobiya ayaa la filayaa in goor dambe oo maanta ah kulan la qaato Jeneraalka xukunka hada haya sidoo kale la kulmo xubnaha hoggaaminaya banaan-baxayaasha.

Ciidamada Sudan ayaa isniintii billaabay howl-gal ka dhan ah dibad-baxayaasha fadhiya dibadda xarunta wasaaradda gaashaandhigga, waxaana ku dhintay in ka badan 100 qof.