Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Boliiska oo Isku Deldelay Xerada Ciidamada Dhexdeeda

0
67

Wararka aynu ka heleyno Xerada Ciidamada ee Xaafada Sheelare oo ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaasi isku daldalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalkaas oo lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed uu xarig qoorta surtay, sidaasina uu isku daladalay, isaga oo xiran Darajada Gaashaanle dhexe.

Dadweynaha ku nool Xaafada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ayaa isugu soo baxay Goobta uu isku daldalay sarkaalka,iyaga oo aad uga naxay is daldalaada Sarkaalka oo ay aad u yaqaaneyn.

Weli lama cadeyn waxa ku kalifay in sarkaalkaas uu is daldalo,hayeeshee waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay heysteen duruufooyin kala duwan taas oo ku qasabtay in uu is daldalo.

Taliska ciidanka boliiska ayaan weli ka hadlin sababta keentey in xerada dhexdeeda uu isku daldalo sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska.