Dowlada Ingiriiska oo Xero Ciidamada Lagu Tababaro Ka Furtey Magalada Baydhaba

0
38

Dowladda Ingiriiska ayaa saldhig ballaaran oo ciidammada lagu tababbari doono ka furtay magaalada Baydhabo, iyadoo munaasabad galinkii dambe ee Sabtidii lagu qabtay saldhigga uu daah furay wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amardambe).

Danjiraha dowladda Britain ee Soomaaliya, Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro al-Shabaab.

Saldhiggan waxa uu ku dhex yaalaa gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaasoo garoon Milatari ah xiligii dowladdii dhexe ay ka jirtay dalka bur burkii ka hor,iyadoo halkii mar lagu tababbari karo illaa 120 askari.

Marenkanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa horay saldhigyo ciidan ugu lahaa gudaha Soomaaliya, iyadoo saldhiggan u dambeeyay ee Ingiriisku noqonayo midkii afaaraad ee dalalka shisheeye ay ku leeyahay gudaha dalka.