Maamul Goboleedka Galmudug oo Sheegay Iney Joojiyeen Wadashaqeyntii Kala Dhexeysay Xukumada Dhexe

0
63

Maamul-gobolleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaadday inay hakisay xiriirkii wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo go’aankan loo sababeeyay inay fara-gelin, kala qeybin iyo isku day burburinta Galmudug oo ay waddaan madaxda dowladda federaalka ah.

Maamulka wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso mas’uuliyada wixii qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ee ka dhaca deegaannada Galmudug.

Galmudug ayaa ku biirtay Puntland oo maalmo ka hor ku dhawaaqday inay joojisay wadashaqeynta dowladda federaalka, arrintan waxay kor u qaadeysa culuyska ka heysta dowlad-gobolleedyada maamulka uu hoggaamiye madaxweyne Farmaajo.