Madaxweyne Farmaajo oo Damacsan in Mukhtaar Roobow uu u Musaafuriyo Mid Ka Mid ah Dalalka Carabta

0
47

Maalmihii dambe waxaa meel sare gaaray qorshaha lagu doonayo in lagu soo daayo Mukhtaar Rooboow Cali (Abu Mansuur) kaasi oo la sheegay in Dawladuna ay diidan tahay.

Rooboow ayaa Waxgarad iyo Siyaasiyiin ku heyb ah waxay markana bilaabeen inay geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan soo deyntiisa.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in hadii lasoo daayo Mukhtaar Rooboow laga yaabo in laga musaafuriyo Soomaaliya balse la maldahayo oo la leeyahay Magan galyo ayaa loogu dirayaa Dal Carbeed.

Siyaasiyiinta ugu sareysa dowlada federaalka ayaa waxaa ay cabsi weyn ka qabtaa sii deynta mukhtaar roobow maadaama uu magac weyn ku dhex yeesha bulshada koonfur galbeed taasoo ciriiri gelin karta hamiga uu Farmaajo ku haminaayo in uu mar kale dalka madaxweyne ka noqdo isaga oo afduubay dhamaan hogaamiyeyaasha maamul goboledyada.

Si kastaba arintu ha ahaatee cabsida uu Farmaajo ka qabo Mukhtaar Roobow inuu dalka si nabad ah ku jooga ayaa waxaa ay gaartey meel sare maadaama uu mucaarad badan ka dhex sameystay dalka gudihiisa balse waxaan weli la ogeyn sida uu Mukhtaar Roobow ku aqbali doono damaca Farmaajo.