Lacag Ka Timid Magalada Muqdisho oo Gaareysa 1.7 Milyan Doolar oo Lagu Qabtey Airporka Neirobi

0
55

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa ku warramay habeenkii Isniinta in lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi shandad ay ku jirtay lacag gaaraysa 1.7 milyan oo doollarka Marekanka ah (Sh170 milyan) oo ka timid Soomaaliya.

Lacagta waxaa lala xiriiriyay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, wallow aan la magacaabin, balse warbixinta uu wargeyska baahiyay ayaa lagu sheegay lacagta oo la soo mariyay dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh inuu xiriir la leeyahay qoyska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay lacagta la sheegay in lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta .

Balse, waxay ku soo aaddaysaa xilli Kenya go’aan ka soo baxay maalin ka hor lagu mamnuucay xamuulka ka imaanaya Soomaaliya ee aysan cidna la socon, iyadoo xukuumadda Kenya ay ku goodisay in lala wareegayo dhammaan shixnadaha aan lala socon ee uga imaanaya duulimaadyada Soomaaliya.