Reysulwasaaraha Xukumada Federaalka oo Xaley Isbitalada Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxa

0
47

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Reysulwasaare Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Odgugan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan, wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.

Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi.

Aminiga magalada muqdisho ayaa ah mid aan la isku haleyn karin kaasoo aad arkeyso in marba marka ka dambeysa ay kusoo badanayaan caasimada qaraxyo waxyeelo badan u geysta shacabka masaakiin ah oo aan waxba galabsan.