Beesha Caalamka oo Cambaareysay Qaraxii Shaley Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
51

Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka Soomaaliya.

Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Sacuudi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax ku qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka iyo waliba daljirka Dahsoon ee Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.