Geel Jire Iyo Qaranimada Somaliya Maxaa Kala Heysta?

1
779

Soomaaliya waxaa burburkeeda loo eedsan karaa dhanka geeleeyda, dhaqankasoo markasta aan waxba dhisin sida ku cad taariikhda dhaqanka Soomaalida. Dadka geela dhaqdaa waxay ku jiraan dagaal joogto ah mid cimilo iyo mid amaan, qofka geel jiraha ah wuxuu ku qasban tahay dagaal joogto ah waayo geela aad baa loo kala dhacaa, tasoo qofka ka dhigeeyso cimilada uu nool yahay awgeed inuu markasta difaac ama weerar ku jiro, waana Indho adag tahay kuwa kale ee dhaqamada kale ka yimaada.

Halka dadka beeraleeyda iyo xeebaha degaa ay yihiin kuwa nabad ku nool oo leh degaan aan guuris u baahnayn, waxaan ognahay in ilbaxnimadda ayka timaado badaha ka dibna ay gaarto beeraleeyda. Hadaad dib u eegto taariikhda dalka Soomaaliya, waxaa dhisay xadaaradda ay maanta Soomaaliya ku faani karto dadka aanan ahayn geeleeyda. Nasiib daro nasiib daro xadaaradaas kumaanka kun la dhisaayay waxaa burburshay geeleeyda.

Reerka aan ka dhashay waxay leeyihiin kaluumaysato, beeraleey iyo xoolo dhaqato, kuwa naga midka ah ee geeleeyda ah waxay ka dhib badan yihiin kuwa kale. Gumeesytihii Talyaniga wuxuu xukunka dalka u dhiibay geeleeyda, asagoo is tusay inuu wuxuu doono ka heli karo, maadaama aysan lahayn siyaasad degan.

Waxaa kaloo nasiib daro ah inay caayaan qofka beeraleeyda, waxay cayaan qofka dharka sameeyo, waxay cayaan midka biraha tumo, waxay cayaan midka kabaha tolo. Midka ka yimaado dhaqankaas geeleeyda oo caayaaya farsamads ay dadka ku hor mareen, ma haasto dhar uu xirto, waa kaba cad yahay oo wax uu samaynsan karo ma jirto oo aanan ahayn inuu tiisa kaliya ku mashquulo iyo indho adeeg.

Dhaqanka geeleeyda waxay Qarankii Soomaaliya ka dhigeen mid aan ku taagnayn siyaasad adag iyo dan guud, sidii geela loo kala dhici jiray bay doonayaan in siyaasadda iyo masiirka dalka qofba qofkuu ka xoog badan yahay loo kala dhaco.

Dhaqanka geeleeyda wuxuu burburshay qarankii Soomaaliyeed, wuxuu burburshay xadaaradihii soo jiray kumaan kun sano, inta ay waxka baran lahaayeen dhaqankoodi xadaarada lahaa waxay door bideen inay dhaqan Arab oo dano ka hel Soomaaliya ay soo min guursadaan oo koodi wanaagsanaana burburshaan.

Hadaba dhaqan noocaas ah iyo qananimo ma is waafaqi karaan?

Waxaan ka afeefanayaa in arinkaan loo arag qabiil, waayo reerka aan magacooda wato, waxay dhaqdaan geela ugu waaweyn uguna quruxda badan Soomaaliya, taas awgeed waxaan ka hadlayaa waa dhaqan ku saleeysan dagaal oo aan nabada iyo xadaarada aan ku fiicnayn oo aaminsan inuu yahay dhaqankiisa dhaqanka ugu fiican we burburka.

“ Nin aan geel dhaqanin, aqiro lama amaanin”

Carabta waxay ku maahmaadaa “ kuli fidna cinda geel” waayo qof aan deganayn ma xadaarad buu yeelan karaa? Taas awgeed xadaaradba waxba uguma fadhiso. Hadaba waxa ay burburshaan dhismaheeda yaa laga rabaa? Dhismo shaqo kuma laha..

Qore: Sheiknor Abucar Qassim

1 COMMENT

  1. Takoorka siyaasadeed ee lagu hayo Beesha Dube Digil hala daayo waa beeshii shaley iyo daraat aad soo harsateen ee idin Digileeyey idinkoo ka yimid meel Allah uu ogyahay anigana aaan ogahay mhd

Comments are closed.