Amisom oo Sheegtey In 2019 Ay Alshabab Ka Xoreyn Doonaan Jubada Dhexe

0
37

Ciiidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay qorsheenayaan bilaabida weeraro ay ku qaadaan goobaha ay Al-shabaab ka sugan yihiin gudaha dalka.

Hawlgaladan ay AMISOM sheegtay in lagu xoreenayo goobaha ay Al-shabaab haystaan ayaa lagu wadaa in ay bilawdaan bilawga sanadka cusub ee socda 2019.

Hawlagaldan ayaa lagu wadaa sida ay AMISOM sheegtay in laga fuliyo goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka jubadda dhexe waxaana hawlgaladaasi si wadajir ah u fulinayo sida uu qorshuhu yahay ciidamada maamul gobaleedka Jubbaland kuwa faderaalka iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika.

Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Amisom Col Richard Omwega, hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha xaalada galaguurka ay amisom dalka kaga baxayso amnigana ay gacanta ugu galiso dowlada soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sidookale sheegay in hawl-galkan cusub ay qaadayaan uu gogol xaar u noqon doono in 2020 ay soomaaliya ka dhacdo doorashooyin guud oo si nabad galya ah loo qabto.