Xildhibaanadii Mooshinka Ka Keenay Madaxweynaha oo Mar Labaad Eedeyn Usoo Jeediyey

0
46

Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista, ,ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in tan iyo markii la doortay uu mashquul ku ahaa sida uu hadalka u dhigay carqaladeynta maamul gobolleedyada dalka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Eedeymaha sidoo kale xildhibaannada ay u jeediyeen madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa weerarro lagu qaaday siyaasiyiinta, sida C/raxmaan C/shakuur, weerarkii Cabdi Qeybdiid, sidoo kalana u gacan galiyay dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dowladda hadda jirtay ay soo kordhisay wax loogu yeero sida uu hadalka u dhiggay {Gar iyo Gardaro} oo xilka looga tuuray ayuu yri guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Waxaa kaloo eedeymaha ku jirtay kala diridii Guddiga Maaliyadda oo ay xuseen xildhibaannadu in aysan dhicin mid la mid ah illaa sanadkii 2000 oo la soo dhisay dowladdii Carte in la kala diro Guddi Baarlamaani ah, oo soo bandhigay warbixin musuq maasuq iyo lacago maqan, meeshii la filayay inay jawaab ka bixiyaan ay sababtay in ay kala diraan Guddiga Maaliyadda, lana soo saaro warqado sharci darro ah.

Ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa shirkooda Jaraa’id waxaa ay ku sheegeen in sababta ay mooshinka uga laabteen tahay in ay u tureen danta dalka iyo dadka, madaama uu garan waayay ayeey sheegeen madaxweynuhu in uu dalka badbaadiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in xildhibaannadii keenay soo jeedintii xil ka qaadista madaxweynaha ka tanaasuleen mooshinkii ay soo gudbiyeen, isaga oo uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen.