Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo Maanta Dil Ku Fulisay Eedeysane Dil ku Xukunaa

0
50

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa goor dhow dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ahaa Al-Shabaab,kaasoo horay gacanta ugu soo dhigeen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Ninkaan ayaa horay loogu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya waxaa ay Saakay Toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa in uu Gawaaridda Qaraxyadda ah dhigo Goobaha ay Shacabku ku badan yihiin sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamar-wayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, waxaa sidoo kale uu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada.