Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Kulan La Qaatay Gudiga Maaliyada

0
45

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen. ayadoo Xubnaha guddiga ay si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).