Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliya oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomey Safiirka Cusub ee Turkiga

0
42

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo denjiraha cusub ee dalka Turkiga Mehmet Yilmaz.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya labbada dal ee walaalaha ah.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labbada dal iyo labbada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka labba geesoodka ah.

Denjiraha cusub ayaa bedeli doona denjirihii hore ee turkiga u fadhin jirey dalka somaliya oo mudo badan ka shaqeynayey dalka somaliya.