Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuul

0
77

Reer Abicar Cali iyo Khadiija Cabdulle iyo dhamaan reer Cabdulle Yusuf waxaa ay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii iyo eheladii ay ka geeryootay alaha u naxariistee Maama Ruqiyo Jaamac Xasan oo maalintii shaley ku geeryootay dalka holland.

Wexeyna ilaahey uga baryayaan in janadii fardowsa ilaahey ka waraabiyo qabrigeedana waasac ilaahay uga dhigo, Dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeryooteyna samir iyo iimaan ilaahay haka wada siiyo.

Sidoo kale waxaa tacsi taa la mid ah diraya dhamaan jaaliyada koonfur galbeed ee dalka ingiriiska wexey ayagana sidoo kale leeyihiin samir iyo iimaan ilaahay ha inaga wada siiyo janadii fardowsana ilaahay haka waraabiyo.