Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibanada Koonfur Galbeed oo Kulan Ku Leh Magalada Muqdisho

0
43

Kulan aad u balaaran oo uu soo agaasimey gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka somaliya Maxamed Mursal ayaa haatan ka socda mid ka mid ah hotelada magaalada muqdisho, Kulankaasi oo la isugu yeerey dhamaan xildhibaanada ka tirsan dowlada federaalka ee kasoo jeeda koonfur galbeed.

Kulankani ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada cakiran ee ka taagan magalada baydhabo iyo faragelinta xukuumada federaalka ay ku heysso doorasha madaxtinimo ee dhawaan ka dhici doonta magakada baydhaba.

Kulankani ayaa waxaa uu salka ku hayaa kadib kolkii uu mad madow soo kala dhex galay Gudomiyaha baarlamaanka iyo madaxda ugu sareysa dalka iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo si cad isugu qilaafay go,aankii ay xukuumada ciidamada ku geysay magalada baydhaba.

Si kastaba arintu ha ahaatee kulumada ay galaan madaxda koonfur galbeed ayaa inta badan ku dhamaada fashil, Kulankana ilaa iyo hada ma garan karno qaabka uu u socdo iyo weliba sida loo dhaqan gelin lahaa go,aanada kasoo baxa maadaama inta badan siyaasiyiinta koonfur galbeed ay yihiin calooshood la cayaar.