Mexey Salka Ku Heysaa Kalsooni Darada Ka Muuqata Xukuumada iyo Musharaxooda

0
155

Sida aynu ka wada dheregsan nahay dhowr jeer ayaa dib u dhac ku yimid doorasha madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed taasoo ay intaba dib u dhigisteeda ka dambeeyeen xukumada federaalka somaliya .

Xukumada iyo musharaxa ay dhabarka ku sidato ayaa walwal badan ka qaba in ay ku guuleysan waayaan dorasha koonfur galbeed hadii tartamayasha loo ogolaado in uu ka mid noqdo Musharax Mukhtaar Roobow ayagoo weliba dhaqaale badan ku bixiyey sidii ay u iibsan lahaayeen xildhibanada koonfur galbeed.

Kalsooni darada ka muuqata xukuumada iyo musharaxa ay wadato ayaan eheyn mid ayaga keliya ku kooban, Dhowr jeer oo an la hadalney qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee gacan saarka la leh xukuumada waxaa ay inoo sheegaan hadii malaayiin doollar oo laaluush ah lagu bixiyo dorasha isla markaana uu weli musharax yahay Mukhtaar Roobow iney adag tahay in musharaxa kxukuumada kusoo boxo tartankaas sidaas daraadeedna loo bahan yahay in roobow looga celiyo tartanka.

Su’aalaha inta badan ay dadka is weydinayaan ayaa wexey tahay maadaama labada musharax ay yihiin laba ruux oo deegaanka u dhashay xaqna u leeyihiin iney labaduba tartamaan sababta ay xukuumada u dooneyso in mid ay ka reebto tartanka midna ay dhabarka saarato, Taasoo jawaabteedu uu fahmi karo ruux kastoo wax fahmi kara aynu ku adag tahay in uu fahmo ruuxa maskaxdiisu xiran tahay.

Isku soo wada duub loolanka siyaasadeed ee qaabka daran ka taagan koonfur galbeed ayaa u muuqda mid aan ku socon wada hagaagsan taasina wexey keeni kartaa in mar kale dib loogu laabto burburkii iyo baabi’ii uu dalka kasoo kabsaday.

XUKUUMADAAY OGOW IN ALBAB KASTA FURAHEEDA UUSAN EHEYN LACAG CAQLIGA HA SHAQEEYO.