Itoobiya Ma Aha Tii Hore

0
44

Qore Mohamed Hussein Moallin

Runtii haddii la fahmi waayo xaaladda cusub ee Itoobiya oo la il daran maanta khilaafaad iyo ismaan dhaaf siyaasadeed waxay noqoneysaa in talaabooyin iyo go`aamo aan sax aheyn ay madaxdeena qaadato.

Oramada gacanta ku dhigtey hogaanka siyaasadda ee Itoobiya waxaan filayaa iney wali kala bixin iyaga qudhooda, wasiirka koowaad dr Abiy Axmed oo maanta talada haya wali uma suurto galin inuu noqdo hogaamiye aan laga daba hadlin, gaar ahaan hogaamiyaha awoodda iyo shacbiyadda badan Jowhar Muxamed isla markaana ah nin Muslim ah waxaa uu aaminsan yahay inuu isagu xaq u leeyahay hogaanka dalka Abiy Axmedna yahay haraadigii Tigree, halka gudoomiyaha ururka xoreynta Oromiya uu ku hadaaqo mar walba inuu isagu kaadida u soo cabey halganka himilooyinka Oramada oo wixii isaga ka soo harey ay yihiin gadaal ka gaar.

Arrintaa waxaa garab socda hagarsiga iyo damaca qowmiyada Tigree oo aan wali quusan awood militirina ku dhex leh ciidamda dalkaa, mar walmana doonayo sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen talada dalka, Xaaladaaha siyaasadeed ee maanta dalka Itoobiya marayo waxay u baahan tahay inaan lagu deg degin heshiisyada iyo wada shaqeynta wax u dhimi karta danaha dalkeena.

Heerka awoodda Itoobiya waxaa laga dheegan karaa ciidamada Baydhabo ku sugan oo loogu talo galey iney arrimaha amniga wax ka qabtaan, laakiin tan iyo markii isbedelka ka dhacey Itoobiya waxay noqdeen kuwo ku ekaadey xirooyinka ay ku jiraan, maalmihii danbane waxay dadweynaha reer Baydhabo uga digeen iney soo faro gashtaan arrimaha siyaasadeed ee ka socda gobolka isla markaana ay dhax dhexaad ka noqdaan doorashooyinka ka socda koofur galbeed haddii kale ay la kulmi doonaan ka hor imaad weyn oo kaga yimaada dadweynaha Soomaaliyeed.

Xaaladaha sidaa u socda waxaase nasiib daro ah in dowladda dhexe aysan wali fahmin in Itoobiya aysan ahayn tii hore oo ay ilaa iyo iminka quudareynayaan in ay la shaqeyso gaar ahaan arrimaha koofur galbeed.

Itoobiya waxaa looga caal waayey waayadii hore iney ka mid noqoto la dagaalanka ururka Al Shabaab waxii ka danbeeyey markii ay ka mid noqotey ciidamada Amisom, oo hadda ay ku joogaan oo kaliya iney iyagu is difaacaan haddii la soo weeraro, waana midda degaanada koofur galbeed iyo jubboland ku qasabtey iney iyagu iskood isaga caabiyaan weerarada Al Shabaab ku soo qaadaan degaanada qaarkood.

Waxaa nasiib daro ah in madaxda sare ee dalkeena ay wali fahmi la`yihiin in Itoobiya ay tii hore ahayn ee riyada iyo xoogga badneyd , balse ay maanta dhaawac badan ka soo gaarey isbedelka siyaasadeed ee aan horey loo qorsheynin ee ku yimid siyaasadda dalkeeda, waana midda ku qasabtey in dhulkii ay ciidamadeeda ku dhammaadeen waxna ku laayeen ay si fudud uga soo baxdey kuna wareejiso Eretereeya oo aan sidaa u xoog badneyn dhanka dhaqaalanahana ka liidata.

Heshiisyada qorsoodiga ah ee aan wali banaanka la soo dhigin waxaanu ka cabsaneynaa in ay noqdaan kuwo xanbaarsan tanaasul iyo jilicsanaan taa oo wax u dhimi kara mustaqbalka siyaasadeed iyo dhaqaaleba ee dalkeena Soomaaliya.