Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Ka Tacsiyeeyey Dilkii Shaley Loo Geystey Laba Sarkaal

1
45

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar dheere oo ahaa taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca ciidanka xoogga dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo askartii kale ee la geeriyootay”ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku geeriyooday qaraxan waxaa ay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al-shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”ayuu raaciyay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida saraakiishaani aysan niyad jabin doonin ciidamada xoogga dalka, isagoona tilmaamay mar waliba ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgalka dalka.looga xureynayo Al-shabaab.

1 COMMENT

  1. Saraakiishan iyo askarta ku le’atay qaraxan waxaa masuul ka ah Farmaajo. Isagaa u hoosaasiyay cadawgooda oo askarta been u sheegay, geliyayna dagaal aanay dawladda Farmaajo daacad ka aheyn. Ciidankana bootada iyo beenta Farmaajo ayey rumeysteen.

    Saa saraakisha iyo askarta Xoogga Dalka Soomaaliyeed laguma soo anqarinin, mana filayaan oo xataa kuma riyoodaan
    Taliyihiinii Guud = Commander-in-Chief of all the armed forces =(oo ah madaxweynaha) ayaa cadaw idiin hoosaasinaya.

    Ciidamadan dagaal baa la geliyay iyadoo aan loo dhammeystirin qalabka, saanadda iyo hubka ay u bahan yihiin.
    Ciidamadan taliyahooda guud — Commander-in-Chief oo ah madaxweynaha ayaa ku boorriyay dagaal aanay
    u diyaarsaneyn.

    Ciidamada Xoogga Dalka ma haystan qalabka miinada lagu baaro oo la isaga sii hormariyo jidadka ay ciidamadu ku safrayaan. Qalabkaas culus ayaa hore u sii qarxin lahaa wixii miino ah oo meeshaas lagu aasay.

    Ciidamada Xogga Dalka ma haystaan helokobtero dusha habeen iyo maalin kala socda ciddii wax ku aaseysa waddada.

    Waxaab jirin sahan heer sare ah oo cadawga ka soo tebiya dhagaraha uu maleegayo.

    Militariga, hay’adda sirdoonka NISA, madaxda, wasiirada iyo wasiir-ku-xigeennadaba waxaa tif ka ah dhagar-qabayaal cadawga la shaqeeya oo markoodii hreba bareer uga mid ahaan jiray mintidiinta. Jagooyin halbowlayaal u ah dawladda ayey hayaan.

    Janannada, saraakiisha iyo askarta Xogga Dalka, Farmaajo wuxuu ku dhex tuurayaa ololkaas isagoo aan u dhammeystirin qalabkooda, saanadooda, hubkooda iyo tababarkooda. Markaas ayey tarab tarab u le’anayaan.

    Jananno iyo saraakiil sarsare oo dalka qiime weyn uugu fadhiya, lana soo barbaarinayay soddoomeeyo sano ayuu Farmaajo cadawga u loogayaa. Kharajkii lagu diyaarin lahaa qalabkooda, saanadooda, hubkooda, tababarkooda, iwm, Farmaajo laaluush buu ku bixiyaa iyo kala tuurista maamul goboleedyada. Malaayiin doolar buU ku kharaj gareeyaa facebook iyo igu sawir iyo iidheh. Kuwo nolosha ka dhacay buu lacag ku bixiyaa si ay uga amaanaan baraha bulshada.
    Wargeysyada, websitesyada, raadiyayaasha.

    Ma is-weydiisay xagguu ku dambeeyay Daahir Calasowgii mucaaradka ahaan jiray. Sida an qabo, lacag bay malaha ku aamusiyeen oo mar uun buu qayooday.

    Lacagtii lagu diyaarin lahaa Xogga Dalka waxyaabahaas baa lagu khasaariyaa. Farmaajo waxaa u daran inaan wax laga sheegin, in la amaano oo lagu amaano guulo uusan leenin.

    Waxaa u daran in aan laga hadlin afartanka milyan doolar oo la la’yahay meel ay mareen. Malaayin doolar buu ku bixinayaa in la kala diro Guddigii Maaliyaada iyo La-xisaabtanka ee Golaha Shacabka oo soo saaray fadeexaddan 40-ka milyan oo la xaday.

    Kharajkii Xooga Dalka loogu dhammeystiri lahaa saanaddooda, iyo qalabkooda iyo hubkooda waxaa loo adeegsadaa laaluush iyo faqfaq.

    Arrinkan waa inuu reebaa natiijo uusan mahadinin Khaainka Farmaajo ah oo afar dekadood u saxiixay Itoobiya.

    Khaainka Farmaajo ah oo mujaahid Cabdikariim Qalbi Dhagax u gacan geliyay Tigreeygii dhowaanta la inqilaabay.

Comments are closed.