Musharax Cali Sheekh Maxamed Nuur oo Olole Aad u Balaaran Ka Wada Magalada Muqdisho

0
84

Magaalada Muqdisho Hoteelo kuyaala waxaa olole xoogan ka wada qaar kamid ah Musharixiinta u taagan xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka oo lagu wado in beri oo isniin ah lagu doorto Muqdisho.

Musharaxiinta doorashadan ku taramaya oo gaaraya ilaa 11 Musharax ayaa qaarkood ololaha ay wadaan si weyn looga dareemayaa Muqdisho halka Musharaxiin kalana doorashada ku galayaan ku nasiibso.

Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya ololaha ay wadaan Musharaxiinta, waxaana mashquul badan laga dareemayaa Hoteelada iyo guryaha ay dagan yihiin Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha.

Sida aan Warar lagu kalsoon yahay ku heleyno Musharax Xaaji Cali Sheekh Maxamed ayaa ololaha ugu xoogan ka wada Muqdisho, waxa uuna Musharaxan la kulmay inta badan Xildhibaanada Aqalka hoose kana codsaday in codkooda ku taageeraan.

Musharax Xaaji Cali ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay habeenkii xaley Xildhibaanada Mucaarad iyo Muxaafid isagoo taageero badan ka heesta labada Garab maadaama uu ka mid ahaa gudigaa dhexdhexaadinta xiligii uu khilaafka socdey, waxa uuna Musharaxan Xildhibaanada ku qanciyay in codkooda siiyaan si uu ula yimaado waxqabad muuqda isla markaana u mideeyo golaha shacabka.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasarada arimaha gudaha Xaaji Cali Sheekh ayaa ah nin saameyn badan ku dhax leh Xildhibaanada isla markaana xilal kala gedisan kasoo qabtey dowladihii hore ee dalku soo maray, waxaana Xaaji Cali loo saadaalinayaa inuu noqodo gudoomiyihii baarlamaanka ee ugu horeeyey ee kasoo gala gobolka shabelaha hoose.