Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Hada Bilaabatay

0
37

Xarunta Golaha Shacabka waxaa goor dhaw ka bilaabatay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib markii 9 bisha April uu xilka ka degay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa xaadir ah 264 Xildhibaan waxaana shir gudoominaya gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka oo sidoo kala ah sii hayaha xilka gudoomiyaha.

Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saacadihii la soo dhaafay waday olole xoogan, waxaana musharaxiinta qaar yihiin kuwa ugu cad cad ee laga yaabo in kursigan ku soo baxaan.

Doorashada ayaa laga yaabaa in lagu kala bixi waayo wareega koobaad loona gudbo wareeg labaad ama mid sadexaad hadii musharaxiinta qaar ay tanaasul sameyn waayaan ama