Mashaariic Gaareysa 200 oo Milyan oo ay Qadar Sheegtey In Ay Ka Fulin Doonto Dalka Somaliya

0
53

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday mashaariic hormarineed oo ku kacaya lacag dhan $ 200 oo million oo dollar.

Waxaa uu sheegay wasiirka in mashaariicdan dhamaantood yihiin kuwo hormarineed oo isugu jira, shaqo abuur, dib u dhis iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in mashaariicdan qeyb ka noqon doonaan dhismaha jidadka, tayeeyta waxbarashada iyo shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaliyeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugaga mahad celisay dowlada Qadar kaalmada horumarineed ee ay ugu deeqday dalka Soomaaliya iyo weliba mashaariicda horumarineed ee ay dowlada Qadar ka fulinayso wadanka Soomaaliya.

Wafdiga oo uu horkacayay Madaxa Hay’ada Horumarinta Qadar Khalifa Jassim Al Kuwari, ayaa sidoo kale la kulmay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.