Maamulka Gobolka Banaadir oo Xaflad Sii Sagoontin ah u Sameeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

0
37

Munaasabadaan lagu sagootinaayay Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xamud ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabada waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Wasiiro, Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiinta sare ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Guddoomiye Xumud iyo wafdigiisa mar kale ku soo dhaweeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumud oo munaasabada ka hadlay ayaa umahad celiyay maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale sheegay in shacabka labada magaalo ee Jabuuti iyo Muqdisho ay yihiin dad walaalo ah.

ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhalinyarada ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii dalkan uu u noqon lahaa mid Xasiloon.