Uhuru Kenyatta oo Maanta loo Caleema Saarey Madaxtinimada Dalka Kenya

0
38

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Nairobi ugu qeyb galay caleema-saarka Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorasho muran badan dhalisay natiijadeeda.

Madax kale oo caalamka ka socota ayaa ka qeyb gadhay dhaarinta Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadla jeedinayay kadib dhaarinta ayaa tilmaamay in dadka kasoo jeeda bariga Afrika ay si xor ah ugu noolaan karaan dalkiisa, sidoo kale ay ganacsiyo ku sameyn karaan balse laga doonayo oo kaliya aqooniyada dalalkooda.

Sidoo kale wuxuu ku fogaaday muhiimadda ay leedahay xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka bariga Africa iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo gooni gooni ah la yeesho madaxda ka qeyb gashay caleema saarka Uhuru Kenyatta.