Dhegayso..Wafdigii Puntland ee Kismaayo joogay oo beeniyay inay dhexdhexaadinayaan Madoobe iyo Hiiraale

0
29

madoobe iyo hiiraaleWafdigan waxa ay sheegeen in magaalada Kismaayo ay u joogaan sidii ay u xoojin lahaayeen xariirka Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba,xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay wada hadal siinayaan Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe.

Wasiirka cadaaladda ee dowlad goboleedka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in ay sidoo kale magaalada Kismaayo u joogaan xalka dhacdo dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo oo ciidamo ka wada tirsan maamulka KMG ee Jubba ay isaga hor-yimaadeen magaalada.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay in heegan ay galiyaan ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee Kismaayo.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay ka hortagayaan weerarro gaadmo u badan oo laga baqdin qabo in ciidamada ALshabaab ay ku soo qaadaan magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaa kaloo uu sheegay in ciidamada ay la wareegeen ammaanka magaalada Kismaayo si shacabku u helo amni la isku halayn karo.

Wafdiga ka socda maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Kismaayo oo Cabsi ka qaba khatar uga timaada Alshabaab