Jabuuti oo ciidamo cusub usoo direy dalka somaliya

0
88

Dowladda Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidamada nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ciidan cusub oo xoojinaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya u soo dirtay.

Ciidamadaan cusub ayaa ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kala qeyb qaadanaya xoojinta amniga, la dagaalanka Ururka Al-shabaab iyo waliba Kordhinta wadashaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan xili uu dalka ka bilaaban rabo dhawaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahin oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Jabuuti oo ka hadlayay munaasabad lagu soo sagootinaayay ciidankan ayaa kula dardarmay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Taliye Sakariye ayaa sidoo kale u sheegay ciidanka in xaqiijinta amniga Soomaaliya inuu uga dhigan xoojinta amniga sida dowladda Jabuuti oo kale, maadaama labada dowladood iyo dadkooda walaalaha ah midba midka kale uu la damqanayo dhibaatooyinka soo gaara.