Qaramada midoobey oo ka digtey abaaraha ba’an ee ka jira dalka somaliya

0
159

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.

Waxa ay sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahan ku kabay 6 Milyan oo Doollar.

UNOCHA waxay sheegtay in maalgelin dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay, taas oo loogu talagalay Qorshaha Ka jawaabidda Bani’aadamnimada ee Soomaaliya 2022.