Dowlada imaaraadka oo gargaar bini’aadanimo usoo direy dalka somaliya

0
243

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka jawaabeysay dalabkii reysulwasaaraha ayaa dalka somaliya usoo direy diyaarad sidda gargaar, taas oo maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa keentay shixnado kala duwan oo gargaar ah, isla-markaana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka gargaarka, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa deeqdaan gargaarka ah kula wareegay garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay munaasabad kooban.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka gargaarka ay Soomaaliya soo gaarsiisay, uguna deeqday dadka tabaaleysan.

Waa gargaarkii labaad ee uu Imaaraadka soo gaarsiinayo Soomaaliya, waxaana ay aheyd todobaddii bishii la soo dhaafay ee Janaayo markii uu Rooble garoonka kula wareegay deeq gargaar ah oo ka timid magaalada Abu Dhabi, kadibna raali-gelin siiyey Imaaraadka Carabta.