Mareykanka oo ka digey in mar kale la carqaladeeyo doorashooyinka somaliya

0
248
U.S. Secretary of State Antony Blinken delivers remarks about priorities for administration of U.S. President Joe Biden in the Ben Franklin room at the State Department in Washington, U.S. March 3, 2021. Andrew Caballero-Reynolds/Pool via REUTERS

Wasaaraddda arrimaha dibaddda ee dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in la meel mariyay siyaasad ku wajahan in cuna-qabatayn dhinaca fiisaha ah lagusoo rogo cid kaste oo ku lug leh carqaladaynta doorashada Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in Mareykanka uu si xooggan u taageersan yahay dadka Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo danaha labada dal.

Maraykanka ayaa sheegay in siyaasadani ay khusayso shaqsiyaadka doorka ku lahaa wax is daba-marinta ragaadisay hannaankii doorashada, kuwaas oo la sheegay inay gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday si ay u hirgeliyaan doorasho hufan oo wakhtigeedii ku dhacda, islamarkaana hagardaamo iyo caga jugleyn ku haya suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka.