Ciidamo ka tirsan amisom oo qarax lagula beegsadey gobolka jubada hoose

0
198

Ciidamo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sida la sheegay Qarax lagula eegtay Meel aan ka fogeeyn deegaanka Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa shegay in Qaraxyadaani ahaayeen miinada nooca dhulka lagu Aaso kuwaa loo la’la eegtay Gawaari ay saarnaayeen Ciidamada ka tirsan kuwa Kenya oo Biyo dhaamin ugu socday deegaanka Kambooni, Waxaa Inta ka xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 7 Askari.

Ciidamadda ayaa lashegay in Qaraxyada markii lala eegtay kadib ay fureen rasaas farabadan, waxaana soo tabiyay in wax khasaare ah aysan geeysan Rasaastaasi.

Dagaalamayaal Ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas, iyagoona sheegtay inay gubeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya, Inkastoo weli qaraxyada lala eegtay Ciidamada Kenya ee katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya.