Dhegeyso Reysulwasaraha oo sheegay inuu la hadlayo mucaaradka cabashada ka keenay gudiga doorashoyinka

0
108

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Guddiyada doorashooyinka oo ay ka cabanayaan musharixiinta Madaxweynaha & Xubnaha mucaaradka.

RW Rooble oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magalada Baydhabo ayaa sheegay in Magacaabista Guddiyada doorashooyinka ay qeyb ka ahaayeen heshiisyadii doorasho ee ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ay jiraan musharixiin walaac ka muujiyay Guddiyada la soo Magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay markasta sidii uu u fahamsiin lahaa waxaa ay yihiin Guddiayda la Magacaabay.