Wasiirka amniga oo digniin u direy mucaaradka dowlada

0
76

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta musharaxiinta madaxweynaha, kuwa raadinaya xildhibaanimada iyo cid kasta oo ku lug leh doorashada isagoo sheegay in amniga ay iska leeyihiin shacabka, cid kastana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan amaanka.

Wuxuu intaa raaciyay wasiirka Xundubeey in ka wasaarad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga ayna ka hortegayaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa, wax walba oo dhibaato keenayana ay gacanta ku qabanayaan si amniga loo ilaaliyo, ciddii diidana sharciga lagu qaadi doono.

Isagoo intaasi ku daray in inta ay tareenka dowladnimada saaran yihiin inay qabanayaan wax wanaagsan oo amniga iyo nidaamka dowladnimada wanaajinaayo.

Fariintaan wasiirka amniga ayaa kusoo beegmaysa xili magaalada Muqdisho uu ka socdo shirweyne ballaaran oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka ee murashaxiinta xilka madaxweynaha.