Gudoomiyaha gobolka banaadir oo maanta kulan la qaatey safiirka midowga yurub u qaabilsan somaliya

0
71

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta ayaa maanta kulan magalada muqdisho kula qaatey Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez

Labada Masuul ayaa kawada hadaley Xalinta Maareynta Barakacayaasha iyo soo dedejinta shaqooyinka Midowga Yurub ka wado Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa sheegay in Midowga Yurub uu kordhinayo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya.