Madaxweynihii hore ee dalka oo Fahad Yasin ku eedeeyey inuu dalka ka wado qas siyaasadeed

0
137

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag su’aalo lagu weydiinayay ayaa weerar afka ku qaaday Taliyaha Nabadsugida & Sidroonka Qaranka Fahad Yaasiin, isaga oo ku sheegay in uu yahay Milkiilaha dowladda.

Xasan sheikh waxaa uu sheegay in fahad Yaasiin uu markii hore la wareegay Madaxtooyada, balse la ogyahay sida uu ka yeelay, sidoo kalena Ciidamada Nabadsugida, Booliska & Hay’addaha kale ee dowladda uu dhamaantood wada dumiyay.