Qaar ka tirsan musharixiinta madaxweyne oo xaley kulan la qaadey madaxweynaha maamulka hirshabele

0
104

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor).

Musharixiinta la kulmay Qoor Qoor ayaa waxaa ay kala ahaayeen, Daahir Maxamuud Geelle, C/raxmaan C/shakuur, Mustaf Dhuxulow, Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh & Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed.

Waarka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharixiinta Madaxweynaha ay Madaxweynaha Galmudug u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka uu dhankiisa soo Magacaabay, isla markaana ay ka dalbadeen in uu ka laabto.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug uu musharixiinta mucaaradka ka codsaday inay fursad siiyaan, sidoo kalena uu u sheegay in sababta kaligiis loogu dhegan yahay, maadaama Madaxda kale ay soo qorteen rag ka Shaqeeya Xafiisyadooda.