Reysulwasaaraha xukuumada federaalka oo maanta gaaray magalada baydhaba

0
55

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaraha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka & Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka uu rooble ku tegey magalada baydhaba ayaa waxaa uu salka ku hayaa sidii loo dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.