Wiil Somaaliyeed oo ka mid noqdey dhalinyarada ugu saameynta badan ee dalka canada

0
118

COVID-19 wuxuu saameeyay guud ahaan dunida. Waxaa la baajiyay dhammaam qorsheyaashii kala duwanaa. Wuxuu si Aad ah saameeyay dhallinyarada gaar ahaan qowmiyadaha laga tira badan yahay ee madowga iyo indigenous-ka.

Iyadoo dhibaatooyinkaasi oo dhan ay jiraan oo uu sababay COVID-19 haddana dhallinayaradu waxey noqdeen kuwa adkeysi badan oo sii wadda horumarradooda.

Kadib 8 bil oo ay xirnaayeen dugsiyada waxbarashada iyo shaqooyinka badankood, dhallinayarada waxey garwaaqsan yihiin shaqooyinka horyaalla, ka hoggaamiyeyaasha mustaqbalka waxey sameeynayaan dadaallo ay ku abuurayaan fursado xilligan adag ee COVID-19.

Kadib markii Corporate Knights, oo taageero ka heleysa Telus waxey fureen bishii June ee sanadkan abaalmarinta 30-ka qof ee ka yar 30-ka sano, waxaa lasoo gudbiyay dad fara badan iyadoo labada shuruud ee kaliya ay aheyd inuu qofka uu ka yaryahay 30 sano iyo inuu ka shaqeeyo Canada ama yahay Canadian ka shaqeeya dibadda.

Dadka ayaa soo gudbiyay ilaa 50 qof oo u taagan abaalmarinta balse guddi garsoorayaal ah ayaa ka xulay 30 dhallinyaro ah oo uu ku jiro wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi Nabiil Cali.

Nabiil Cali waa 28 madaxa hay’ad ka shaqeysa barnamaijyada gargaarka iyo horumarinta oo loosoo gaabiyo (IDRF).

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga sameeyay Nabiil Cali, wuxuu ahaa tan iyo yaraantiisii qof ku xiran caruurta la dayacay ee ku jira xeryaha qaxootiga.

Hay’adda uu maamulo ayaa ka shaqo billowday Soomaaliya si ay u maamusho barnamaijyada horumarinta iyo bani’aadannimada ee dadka ay dagaallada iyo abaaraha saameysay.

Sidoo kale wuxuu qaban qaabiyay in biyo nadiif ah ardayda dugsiyada waxbarashada Gaza iyo in barakacayaasha reer Rohingya ay cunno iyo deegaan ka helaan dalka Bangladesh. Sidoo kale markii uu billowday cudurka safmarka ah ee COVID-19 wuxuu hay’adda IDRF ka caawiyay in dawooyin, cunto iyo biyo nadiif ah ay siiyaan kuwa u baahan.

Nabiil Cali, isagoo sameeyay intaanoo dhan wuxuu leeyahay “ Su’aasha aan had iyo jeer is weydiiyo ayaa ah, maxey nagu qaadan kartaa haddii aynu noqonno bani’aadam wanaagsan oo midba kan kale caawiya?”. Maxaan ku caawin karaa si carruurta dunida aysan marnaba ugu fikirin inay waalidiintooda ku waayaan dagaallo ama inaysan dhammeyn waxbarashada?. Waa su’aalaha uu sheegay Nabiil inay maskaxdiisa ka kuuxayaan.

Abaalmarintan ayaa ah mid la siinayo dhallinyarada sameynaya isbaddel ee ka shaqeeya u gargaaridda dadka iyo sidii dunida ay u noqon laheyd meel wanaagsan.

Halkan ka aqriso isagoo af ingiriis ah oo ay qortey jariirada Corporate Knights